Cabdullahi Jaamac Maxamed
Orodyahanka Soomaaliyeed ee Cabdullaahi Jaamac Maxamed ayaa ka qeyb galaya taranka ciyaaraha fudud ee ka bilowday dalka Qatar.
Orodyahankan Soomaaliyeed ayaa ka qeyb galaya orodka 1500 oo mitir.
Danjiraha Dalkeenna u fadhiya Qatar Mudane Cabdirisaaq Faarax Taano ayaa booqasho dhiirri gelin ah ugu tagay orod yahankan Soomaaliyeed.
Danjiraha ayaa Warbaahinta Qaranka u sheega ciyaartu ay caawa ka dhaceyso garoonka Khalifa Stadium ee magaalada Doxa ee dalka Qatar.
Orodyahan Cabdullaahi Jaamac Maxamed ayaa horay kaalinta Afraad uga galay tartankii oroddada ee ka dhacay Djibouti.
Ma’uuliyiinnuu horkacayo Safiirka Soomaaliya Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, dad Soomaaliyeed oo ku nool Qatar iyo mas’uuliyiin ka tirsan xiriirka ciyaaraha fudud ayaa ku sugan garoonka Khalifa Stadium, si ay u dhiirri geliyaan ciyaar yahanka Soomaaliyeed ee Cabdullaahi Jaamac Maxamed.
_________
Copyright CJ Media

