Pages

Wednesday, July 24, 2019

Shirkadda Google ayaa sheegtay in ay wanaajineyso ammaanka telefoonnada adeegsada Android.

Ku dhawaad 10 milyan oo ah telefoonnada gacanta ee adeegsada barnaamijka Android, ayaa waxaa saameeyay barnaamij lagu jabsanayo, kaasoo wax u dhimay macluumaadka dadka wata telefoonnadaasi.
Barnaamijka oo si qarsoodi ah telefoonnada Android ugu shuba adeegyo iyo xayeysiinno, isla markaana basaasa baraha internet-ka ee uu qofka booqdo, ayaa waxaa bishiiba ay dadka samaystay ka faa’iidaan lacag dhan ilaa 300,000 oo dollar.
Inta badan telefoonnada uu saameeyay barnaamijkan jabsiga ah ayaa waxaa laga leeyahay dalka Shiinaha.
Shirkadda Google ee iska leh Android, ayaa sheegtay in ay wanaajineyso ammaanka telefoonnada gacanta, si ay wax uga qabto barnaamijkaasi khatarta ah.

__________
Comment Like Share 
____________________
RPH67

No comments:

Post a Comment