Pages

Wednesday, July 24, 2019

Jalmad shaah ah iyo bakeeriyo deyn ah ayaan ku billaabay maantana waxaan leeyahay hanti badan"

Hooyo Xaliima-sacda Macallin Cabdinuur, waa haweeney Soomaali ah oo meherad ganacsi ku leh magaalada Qabridahare ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxayna soo martay marxalado kala duwan, walina way sii wadaa howsheeda.
Meheraddeeda waxaa laga cabaa shaaha iyo cabitaannada kaleba, waxayna dhaqaalaha kasoo xarooda ku maareysaa qoyskeeda baaxadda leh iyo ehellada la noolba.
Ganacsigeedu hadda wuu ballaaran yahay, laakiin ma aha mid si fudud ay dhidibbada ugu aastay.
Waxay laanta Afsoomaaliya ee BBC-da uga warrantay sheekada cajiibka ah ee ku saabsan halkii ay markii ugu horreysay ka billowday ganacsigeeda aysanna dad badan ku dhiirranin, ayna adagtahay in laga macaasho.11 sano kahor, ganacsigan waxaan ka billaabay shaah karin, markaasna waxaan heystay 7 carruur ah, falaasyada, gambadhada iyo bakeeriyaashaba waan soo amaahday, maalinkaan shaqada billaabayay, waxaanadagay meel kiro ah", ayey tiri Xaliima-Sacdayadoo sheekadeeda sii wadata ayey sharraxday wixii u qabsoomay 11 sano ka dib.
"Hadda dadka ay noloshooda igu tiirsan tahay waxay marayaan 20 ruux, qaar anigaa dhalay qaarna iyagaa sii dhalay, kuwo kalena waa ehelka xaafadeyda ku nool ee wax barta, wax walba oo ku baxa dadkaas waxaan ka maareeyaa meheradeyda".
"Intaas waa biilka reerka, waxaa kale oo aan ganacsigan ka dhistay guryo shan qol ah, illaa iyo haddana ganacsiga halkiisii ayaan kasii wadayaa. Shaahii baan kariyaa cabitaanno kalena waan ku dhex wadaa, lacagta aan isticmaalo mooyee inta kale waxaan kusii galaa hagbad, si aan ugu fuliyo howlaheyga kale".

No comments:

Post a Comment